XOG & XAQIIQO: Hadalka Faysal Cali Waraabe Waa Aragtida…

1
213 views
Like (1) (1) Share Shuffle
HARGEYSA(P-TIMES)- Somaliland ayaa tan iyo 8 January 2018 oo ay duulaan ku qaadeen deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, waxaa kasoo baxaya hadalo muujinaya Cunsuriyad, Isir qabaa’il iyo xadgudubyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha, ilaa ugu dambeyntii Faysal Cali Waraabe oo kamid ah sadexda Xisbiga ee maamulkaas ka jira uu ku dhawaaqo in la laayo Caruur, Haween & Dhalinyarro waxbarasho u tagtay deegaanada Somaliland. Madaxweyne Biixi oo fulinaya balan-qaadkiisii ahaa in lagu murmo Garoowe oo uu weerarkan diyaarsaday sannadkii 2017-kii November, intii uusan qaban xilka Madaxweyne-nimo, waxaa uu ku dhiiran-waayey in uu aqbalo natiijada ka dhalatay weerarkii uu horeyba usii iclaamiyey intii aan la dooran. 15-kii May 2018, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay fagaare kuyaala Hargeysa wuxuu sheegay in ay weerar kusoo qaadeen waxa ugu yeeray KUWA AWOOWYASHOOD ay gumeysteen ama ka adkaan jireen, taas oo ula jeeday dhinaca Puntland, wuxuuna dadka xasuusiyey ayaamihii dawladdii Kacaanka iyo dagaaladii ka socday gobalada Waqooyi ee Soomaaliya. Hadalkaasi wuxuu noqday mid ay siyaabo kala duwan uga hadlaan dadka Soomaaliyeed, isla maalmahaas Madaxweynaha Somaliland wuxuu bilaabay la kulmida qabaa’ilka oo uu ka qoranayey maleeshiyaad cusub si loogu biiriyo dagaalka Tukaraq oo bilowgiisa uu isagu lahaa. 18-kii bisha May mar kale labada shaqsi ee Muuse Biixi & Faysal Cali Waraabe waxay madal ka sheegeen in dagaalka Tukaraq ay kasoo qaadeen beelo kamid ah kuwa Soomaaliyeed, oo ay xiligaas ula jeedeen Beesha Daarood, waxayna muujiyeen in cadiifad cadeyn karta in la qaado dagaal qabyaaladeed oo noocaas ah, taasna waxay horseeday in ay banaanbaxyo ka dhacaan gudaha magaalada Laascaanood. 24-kii bishan dagaal culus ayaa dhexmaray labada dhinac, wixii xiligaas ka dambeeyey ficilada loo geysanayo dadka ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag & Cayn ayaa sii kordhayey, waxaana isla maalmahaas baabuur la dar-darsiiyey mid kamid ah Nabadoonada Laascaanood oo kusugnaa gudaha magaalada Hargeysa. Isla maalmahaas mid kamid ah Hooyooyinkii kusugnaa magaalada Burco ayaa la dilay, waxaana loo dilay isirkeeda oo ka soo jeeda deegaanada Sool, Sanaag & Cayn, waxaana dilkeeda fuliyey dad shacab ah oo ku dilay mindi, sidda ay xaqiijiyeen dad madax banaan oo kusugan magaalada Burco, waxaana talaabadaas ay ka dhalatay khudbadihii xamaaska badnaa ee Muuse Biixi & Faysal Cali Waraabe. 07-dii June 2018, Faysal Cali Waraabe wuxuu jeediyey khudbad dhiilo iyo fariin adag xambaarsaneyd, wuxuuna si rasmi ah shir Jaraa’id uga sheegay in dhalinyarro 200 kabadan oo ka soo jeeda Puntland ay waxbarasho u joogaan Boorama, wuxuuna hadalkiisa ku daray in Qoysaska kasoo jeeda Puntland ee kusugan Boorama ay ka badan yihiin kuwa u dhashay Hargeysa ee kusugan isla Boorama, wuxuuna si cad u sheegay in Reer Boorama ay laayaan Ardayda, Caruurta iyo Haweenka kusugan magaaladaas ee dhalasho ahan kasoo jeda dhinaca Puntland. Hadalkaas si weyn ayaa loo falanqeeyey baraha Bulshada ayaana aad loogu lafo-gurey, Faysal wuxuu haystaa Sharciga dalka Filand oo kamid ah wadamada sidda adag u dhawra Xaquuqda Aadanaha, waxaana lays weydiinayaa FILAND maxay ka og tahay Dagaal-Oogaha Faysal ee maato Xasuuqnimada ku darsaday haddana sharcigeeda haysta. Gefafka ka soo baxay afafka Muuse Biixi Cabdi & Faysal Cali Waraabe waxay horseedi doonaan in lagu xisaabtamo Maxkamaddaha caalamiga ah, walina uma muuqato khatarta heerka ay dhex fadhiyaan iyo dunida casriga ah, waxaana ficiladaas ay noqon karaan kuwa ay ku gali doonaan Maxkamado Caalami ah. FALANQEEYE MADAX BANAAN YUUSUF CABDI SICIID FAAFIN: PUNTLANDTIMES.COM

KU LAABO PUNTLANDTIMES.COM.




More from Puntland, Somaliland

Leave a Comment

All iconsv NextPrev Buttons Play icon