DAWO:Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo lagu xidhay…

1
Kadib markii saaka lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland ahna xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa waxa ay warar dheeraad ah kasoo baxayaan xadhiga masuulkani. Guddoomiyaha ayaa kasoo laabtay shirkii arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay magaalada  Brussels, waxaana sababta garoonka loogu xidhay lagu sheegay in laga shakiyay baasaboor diblomaasi ah oo uu ku safray masuulka, waxaana hay’addaha amaanka garoonka diyaaradaha iyo Waaxda Socdaalka ay amar ku bixiyeen in la xidho guddoomiyaha inta laga hubinayo baasaboorkiisa oo shaki badan laga muujiyey. Baasaboorka Diblomaasiga kaliya waxaa la siiyaa masuuliyiinta dowaldda iyo shaqaallaha dowladda waxaana lagu bixiyaa hubin badan iyo aqoonsiga qofka la siinaayo baasaboorkaas. Masuuliyiin ka tirsan rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo Wasiirka Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad ayaa si deg deg u soo fara geliyey xaalada ka dhalatay xadhigiisa, kuwaas oo wada hadalo kadib ku guulaystay in la sii daayo guddoomiyaha.

KU LAABO PUNTLANDTIMES.COM.




More from Muuqaladu Ugu Dambeeyay, Puntland, Somaliland, Somaliya

Leave a Comment

All iconsv NextPrev Buttons Play icon