DEG DEG+DHAGAYSO:Dagaal culus oo ka dhex qarxay Ciidamada…

1
Dagaalkani ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland iyo sidoo kale dhaawaca saddex kale oo kamid ah ciidamada Somaliland, waxaana dagaalkani uu yimid kadib markii uu damcay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Somaliland in uu la goosto gaadhi nooca dagaalka ah. Gaadhigaasi oo uu kala baxay sarkaalkani dhintay jiida hore ee deegaanka Tukaraq ayaa waxaa ka daba tagay qaar kamid ah ciidamada Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka, kuwaas oo dagaal qadhaadh oo dhex maray labada dhinac kadib ka takhalusay sarkaalkani, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay ilaa saddex kale oo kamid ah ciidamada maamulka Somaliland.

KU LAABO PUNTLANDTIMES.COM.




More from Muuqaladu Ugu Dambeeyay, Puntland, Somaliland

Leave a Comment

All iconsv NextPrev Buttons Play icon